Xukuumadda Soomaaliya ayaa kiiska C/kariin Qalbi dhagax dusha u saartay mid ka mida xildhibaanada ku kacsan oo hore u ahaa wasiiru dowlihii Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.
Mahad Salaad ayaa heshiiska ku saxiixay magaca dowladda Soomaaliya, isagoo taas bedelkeed ku dooday inuu beeshiisa metelayay, waxaana la soo bandhigay heshiiskii oo saxiixan.
Xildhibaan Mahad Salaad, ahna wasiiru dowlihii Madaxtooyada ee dowladii Xasan Sheekh oo la filayay inuu jawaab cad la yimaado ayaa ku adkeystay inuusan heshiis u saxiixin dowladda, waxayna arrintaas noqotay mid dib ugu soo laabtay xildhibaanka oo ka mida shaqsiyaadka shida baraha bulshada.
AKHRISO JAWAABTA MAHAD SALAAD
Go’aanka Xukuumada looga soo meeriyay banaanka wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay sharafta, karaamada iyo qaranimada Soomaaliya!
1. Abdikariim Qalbi Dhagax anaga ONLF uma naqaano ee muwaadin Soomaaliyeed ee si sharci daro ah loogu dhiibay dalka shisheeye ayaan u aragnaa.
2. ONLF aduunku argagixiso uma yaqaano oo madaxdoodii ayaa Yurub iyo Maraykan jooga anagana sharci Goleyaasheenu soo saareen oo arintaas lagu go’aaminayo majiro. Xukuumaduna waxay ugu gaftay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala.
3. Heshiiska Xukuumadu soo daliishatayna waxa uu ka hadlayaa daminta colaad dhex martay dadka deegaanka iyo Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida. Heshiis beelo soo galeene Xukuumadu go’aamadeeda in ay usoo daliishato ceeb weyn ayay ku tahay!