Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xildhibaan Mahad Salaad oo sir badan kashifay: [Muxuu salka ku hayaa khilaafka Taabid & saaxiibadiis Farmaajo & Kheyre?]

    Xildhibaan Mahad Salaad oo sir badan kashifay: [Muxuu salka ku hayaa khilaafka Taabid & saaxiibadiis Farmaajo & Kheyre?]

    January 20, 2018Updated:January 20, 20184 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taabid Cabdi waa nin dhalinyaro, kuna soo biiray Siyaasada Soomaaliya xiligii Madaxweyne Hassan Sheikh, isaga oo noqday Agaasime ku xigeenkii Madaxtooyada. Thaabid xilligii uu joogay Villa Soomaaliya waxaan ku aqaanay nin howlkar ah, shaqadiisana ku firfircoon, jecelna in uu bulshada ka dhex muuqdo. Sifooyinka kale ee aan Taabid ku aqaanay waxaa kamid ahaa in uu ahaa nin qab leh oo mar waliba jecel in uu amarkiisu socdo, kana aarguto qofka ay mar isqabtaan, taas oo marar badan sababi jirtay inay isku dhacaan sxbada ku dhawdhaw Madaxweyne Hassan Sheikh, laakiin mar waliba waxaa lagu wada socon jiray dusha oday Hassan oo dhanka kale Taabid sodogiis ahaa.

    Isku dhacyadii Taabid iyo saaxiibada Madaxweyne Hassan waxay kaliftay in Taabid laga badalo Madaxtooyada Soomaaliya loona badalo safaarada Soomaaliya ee Marykanka. Lkn sidii caadada u ahayd ma hilmaamin dakanadii uu u qaaday oday Hassan Sheikh iyo saaxiibadiis ee halkaas ayuu uga soo biiray ololihii xukunka looga tuurayay Madaxweyne Hassan Sheikh. Wuxuuna laf dhabar u ahaa kooxdii dhistay Madaxweyne Farmaajo.

    Magaca Taabid waxa uu aad usoo baxay markii lagu jiray ololihii xulashada Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo sida uu ii sheegay Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre uu ahaa Taabid ninka kaliya ee abaalka ku leh in uu noqdo Ra’iisul Wasaare. Sidaas daraadeed uu u balan qaaday in uu ugu abaal gudo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mogadishu.

    Muxuu salka ku hayaa khilaafka Taabid iyo saaxiibadiis?

    Sidii aad ka dheehan karteen mudooyinkii hore xafladihii uu qaban jiray Gudoomiye Taabid mar waliba waxaa kasoo dhex muuqan jiray Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre, xafladahaas oo mararka qaar xitaa aan musaasib ku ahayn maqaamka iyo hab maamuuskiisa Ra’iisul Wasaarenimo. Lkn ujeedada ay ka lahaayeen Gudoomiye Taabid iyo saaxiibadiis waxay ahayd: In si adag gacanta loogu qabto Ra’iisul Wasaare Kheyre, loona tuso dadka inuu yahay shaqsi la keensaday oo waxaba aan ka dhex goynin nidaamka dowladeed ee uu madaxda u yahay, markii loo baahdana la adeegsan karo magaciisa iyo mansabkiisa. Waana mida sababtay in ay lunto inta badan kalsoonidii reer Mogadishu ku qabeen Ra’iisul Wasaare Kheyre, uguna muuqatay in uu yahay magac u yaal.

    Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isagu aan kamid ahayn saaxiibadii dhistay Madaxweyne Farmaajo, mudadii uu joogay waxa uu ku dadaalay labo arimood:

    1. In uu dabacsanaan iyo soo jiidasho badan u muujiyo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis maadaaba uu ahaa qof ku cusub kooxda Farmaajo. Kalsooni dhisidaas oo gaartay in Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga maamulo midka Madaxweynaha hal agaasime na wada xukumo.

    2. Wuxuuna sidoo kale ka fogaaday mararka qaarna dagaal toos ah ku qaaday cid kasta oo lagu tuhmayo in aysan la dhacsanayn siyaasada Villa Soomaaliya. Ama xitaa xurguf yari kala dhaxeysay saaxiibada Madaxweyne Farmaajo xiliyadii doorashada kahor.

    Taabid oo markii hore ee la magacaabayay Kheyre aan gaarin 40 sano jir oo ah da’da uu ku shardinayo dastuurka KMG ah qof kasta oo qabanaya xilka Ra’iisul Wasaarenimo, door weyna ku lahaa in Kheyre Ra’iisul Wasaare noqdo ayaa bilaabay bilihii ugu danbeeyay inuu kasbado beelihii iyo siyaasiintii uu dhumiyay saaxiibkiis Kheyre. Sidoo kale Taabid waxa uu isku arkay inuu yahay shaqsiga ku haboon oo hagaajin kara isfaham la’aanta iyo xiriirka la “xumeeyay” ee Siyaasiinta reer Mogadishu iyo Madaxweyne Farmaajo. Lkn sadex arimood oo is biirsaday ayaa sabab u noqotay in uu hada la kulmo cadaadiska heysta:

    1. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kalsooni fiican ka dhex sameystay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis kuna qanciyay in saameynta siyaasadeed iyo mida deegaaneed gaar ahaan Gobolka Banaadir ee Taabid lasoo baxay in ay halis ku tahay mustaqbalka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo doorka awoodeed ee dowlada Federaalka ay ku leedahay Gobolka Banaadir.

    2. Kheyre oo xili hore fahmay damaca Gudoomiye Taabid kana tabaabushaystay, go’aansadayna inuu daadka raaciyo inta aysan isaga biyuhu soo gaarin.

    3. Gudoomiye Taabid oo lasoo degdegay damaciisa siyaasadeed iyo midka dagaalka Kheyre isaga oo aan hubsan mowqifka saaxiibadiis ka qabaan in xiligaan dagaal lagu qaado Ra’iisul Wasaare Kheyre.

    Haddaba, muddadii 11ka bilood ahayd ee Madaxweyne Farmaajo joogay waxaa la badalay: 3 Agaasime guud ee Madaxtooyada, 3 la taliyeyaal Amniga Qaranka, 7 Taliye Ciidan, 7 Wasiir oo ka mid ah 26 ka Wasiir ee xukuumadda Kheyre. Maantana waxay maraysaa in la beddelo Guddoomiyaha Gobolka, taas oo macnaheedu yahay in la beddeli doono ku xigeennadiisa iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka (maadaama uu Taabid keensaday).

    Su’aashu waxay tahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ma ka shaqeeyaan in dalkaan xasillooni siyaasadeed ka dhacdo, mise xasilloonida waa inaan kuraastooda laga hadlin. Haddiise ay ku guulaysan waayeen inay xalliyaan khilaafka ka imaan karo maamulayaasha xafiisyadooda, la taliyeyaashooda, taliyeyaasha ciidamada, xubnaha Golaha Wasiirada, hadana ay marayso in saxiibkii ugu dhawaa Farmaajo marka laga reebo Fahad, in la cunayo, soo inaan isweydiinno ma aha kartida hoggaamineed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay dalka sii hogaamin karaan?!

    Mahadsanidiin.

    W/Q: Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

    Farmajo Kheyre Mahad Salaad Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNabadoon C/llaahi Geedi Shadoor: “Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha & Taabit ha isla joogaan ama ha isla tagaan..” [DAAWO]
    Next Article KASHIFAAD: Maxaa keenay in Ra’iisal Wasaare Kheyre u ololeeyo xil ka qaadista Guddoomiyaha G/Banaadir..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo