Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka federaalka, ahna xildhibaan. ka tirsan Golaha Shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa Madaxweynaha K/Gableed uga digay inuu ku dhaqaaqo muddo kororsi xilka.
Xildhibaan Mursal ayaa sheegay inaysan sharci ahayn iyo wax la aqbali karo in Baarlamaan uu muddo kororsad ama madaxweyne muddo u kordhiyo, sidaasina ay ka dhalan karo halis sharci, isagoo kula taliyey Madaxweyne Lafta-gareen inuu isugu yeero siyaasiyiinta K/Galbeed.
“Baarlamaan markaas fadhiya muddo ma kororsan karo… Nin Madaxweyne oo xukunka haya inuu muddo kororsado meel ay ka dhacday ma jirto. Mudaddaasi muran ayaa ku jira, C/casiis Lafta-gareen waxaan kula talin lahaa inuusan muran gelin, inuu isugu yeero siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, ciddii ay rabaana ay doortaan, isaguna haddii uu rabo uu tartanka galo..” ayuu yiri xildhibaan Mursal oo wareysi siiyay VOA-da.
Maxamed Mursal ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe si xal loogu helo arrinta doorashada iyo beelo wax ka tabanaya maamulka K/Galbeed.
