Xildhibaan Rashiid Qaasim oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto degaanka Wajeer ee Soomaalida Kenya ayaa Caawa maxkamada lagu soo taagay Magaalada Nairobi.
Xildhibaankan ayaa loo heystaa inuu tacadi kula kacay xildhibaanad Faaduma Geedi, kadib markii uu Khamiistii u gacan qaaday, isagoo dharbaaxo wejiga uga dhuftay, waxaana sawiradeeda oo muujinaya dhiig afkeeda ka socda lagu baahiyey baraha bulshada, falkaas oo si weyn loo canbaareeyay.
Maxkamadda Milimani ayaa lasoo taagay xildhibaan Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Bariga Wajeer, wuxuuna maxkamadda horteeda ka beeniyay inuu wax gacan ka hadal ah u geystay Xidhibaan Faduma Geedi, iyadoo lagu soo daayey damaanad, kadib markii uu maxkamadda dhigay 50,000 Shilin oo lacagta Kenya ah.
Xildhibaan Axmed Rashiid oo jirdil kula kacay xildhibaan Faduma & Dacwad lagu furay. [Daawo]
