Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in wax uu ku tilmaamay ‘Aroos Qaran’ loo sameeyo lammaane sababay in si fool xun Muqdisho loogu dilo Axmed Mukhtar (Axmed Dowlo) oo heybsooc ahaan loo weerarray.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-jeeel) oo goor dhoweyd Baarlamaanka ka hadlayey ayaa sheegay inuu ka seexan waayey falkii foosha xuma ee nolosha lagu gubay Marxuum Axmed Dowlo, wuxuuna soo jeediyey in lammaanaha loo dhigo Aroos Qaran, sida uu yiri.
Lammaanaha falkan sababta u ahaa ayaa lagu kala magacaabaa: Maxamed C/raxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya C/llaahi Maxamed, waxayna ku adkeysteen guurkooda oo caqabad weyn kala kulmay hooyada dhashay gabadha oo weerarka lagu dilay wiilka adeerkiis ka danbeysay.
WARBIXINTA NOLOSHA LAMMAANAHA HOOS KA DAAWO
DAAWO: Warbixin laga diyaariyey Jaceylkii Ruqiya & Maxamed ee sababay in Nolosha lagu gubo Adeerkood