Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u ahaa wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Somalia ayaa sheegay inay sharci darro yihiin ciidamada xasilinta Muqdisho ee ay dhisatay xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidanka Xasilinta Muqdisho jiritaankoodu yahay sharci darrro, dhismahooduna ka hor imaanayo qodobka 126aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna arrintan sheegay kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal la sheegay inuu yahay askar ka tirsan ciidamada xasilinta oo si xun u jir dilay muwaadin Soomaaliyeed.
“Xukuumadda waxay ciidankan ku sheegtay inay yihiin KMG lagu dhisay go’aan ay gaareen Golaha Wasiiradu.. waana wax laga xumaado inaan aragno ciidankan oo garaacaya dad rayid ah oo an waxba galabsan” ayuu yiri Xildhibaanka oo dowladda ugu baaqay inay baaritan ku sameyso arrintan.
Xildhibaano kale ayaa arrintan ka hadlay, waxaan baraha bulshada si weyn loogu baahiyey muuqaalkaasi, inkastoo aanay caddeyn cidda ay ka tirsan yihiin ciidamada muuqaalkaasi ku jira.