Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib muddo saddex toddobaad ah oo uu safar ku maqnaa.
“Waxaan saakay dib ugu soo laabtay magaaalda Muqdisho , kadib socdaal-qaatay mudo 20 cisho ah oo aan ku tagay dalalka Britain iyo Turkiga..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo wareysiyo kala duwan oo uu bixiyey intii uu ku sugnaa UK si weyn ugu dhaliilay dowladda Federaalka.
Xildhibaannada taageersan Xasan Sheekh ee ka mida xisbigiisa ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday dib u soo nooleynta mooshin hore looga diyaariyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo hakaday markii weerarka lagu qaaday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur aakhirkii sanadkii hore, halkaasoo ahayd goobta laga waday ololaha mooshinka.
Wararka ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo la dardar gelinayo iyadoo ay ku soo biirayaan ololaha madaxda maamul Goboleedyada iyo xildhibaannada taageersan.