Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka mida Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in saldhigga milateri ee Bebera laga siiyay dowladda Imaaraadka uu halis ku yahay Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa caddeeyay in saldhigaasi uu dhinaca ammaanka  qatar ku keeni karo dalka, isla markaana dagaalka Yemen ku soo fidi karo Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray inaysan isku xirneyn Saldhigga Bebera iyo heshiiska Dekadda Boosaaso, isagoo heshiiska Boosaaso ku micneeyey mid lagu horumarinayo dekaddaasi oo la mida kan Dekadda Muqdisho ay ku maamuleyso shirkadda Turkiga ah.
DHAGEYSO XILDHIBAAN ZAKARIYE
GOOBJOOGE.COM