Xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Beesha HabarGidir ayaa kulan ay la yeesheen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya hordhigay Dalab culus oo ku saabsan awood qeybsiga dowladda cusub.
Xildhibaanadana yaa habeenkii labaad ee doorshada Farmaajo kulan gaara la yeeshay ayaa ka dalbaday inuu mas’uul ka soo jeeda beesha H/Gidir u magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, taasoo ay cadaadis ku saareen.
Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa laga soo xigtay inuu Farmaajo dhegihiisa ku dhibciyay erey la yaab leh, isagoo u sheegay in Beesha Habargidir uu dulqaadii ka dhammaaday oo muddo dheer ay samir ku soo jirtay, isla markaana aysan aqbali karin wax ka yar in loo magacaabo Ra’iisal wasaaraha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la soo weriyay inuusan wax jawaab ah oo cad siinin xildhibaanada beeshan, waxaana uu ku gaabsaday inuu wadatashiga bilaabi doono marka uu si rasmi ah xilka ula wareego.
Doorashadii madaxweynaha kadib waxaa bilow dagaal ay beelaha Hawiye ugu jiraan xilka ra’iisal wasaaraha oo saddex beelood ay ku loomayaan iyadoo beel waliba dhexdeeda ay isku heystaan musharixiin fara badan.
Wadani.com