Xildhibaanada Dir ugu jira labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya aya Goaan ka soo saaray Shirka Garowe ka socda ee madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Qoraal ay soo sareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee beesha Dirreed, kadib shir ay Muqdisho ku yeesheen 09/05/2019 ayay ku go’aansadeen in shirkaasi aau quseyn wixii kasoo baxana aysan aqbali doonin.
HOOS KA AKHRISO GO’AANADA XILDHIBAANNADA BEESHA DIREED
1. Beesha Direed kuma laha wax metelaad siyaasadeed ah shirka ka socda Garowe, sidaa darteed maaha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana maaha wax ay aqbalidoonto.
2. Shir kasta oo looga hadlaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo aan ku salaysnayn awood-qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed isla ogolaadeen ka hor inta aanu nidaamka axsaabta badani dalka ka hirgelin, waxay beesha Direed u aragtaa inuu yahay mid caddaalad darro iyo xasillooni la’aan siyaasaddeed dalka u horseedaya.
3. Beeshu ma aqabali doonto madal kasta oo hareer marsan hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.
4. Waxaan cadeyneynaa in guddiyadii hore loogu soo dhisay kulamadii ka horeeyay shirkan Garowe sida guddiga wadaxaajoodka iyo xubnaha madaxda dowlad goboleedyadu u soo dirsadeen in lagu kordhiyo guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka ay yihiin kuwo beelo ugaar ah laga soo magaacabay , sidaas awgeedna aysan beesha Dir aqoonsaneen.
5. Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa Madaxdaweynaha JFS oo ah astaanka midnimada Qaranka in uu ka fogaado nidaamka kasta oo kala fogaynaya wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, hadii aan wax laga bedelin ku tagrifalka iyo tixgelin la’aanta matalaadda siyaasadda dalka, waxay beeshu wada tashi ka yeelan doontaa talaabada ay qaadayso.