Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaannada Digil & Mirifle oo War-saxaafadeed Culus kasoo saaray Doorashada K/Galbeed & Xariga Roobow

    Xildhibaannada Digil & Mirifle oo War-saxaafadeed Culus kasoo saaray Doorashada K/Galbeed & Xariga Roobow

    December 17, 2018Updated:December 17, 20184 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda degaanada K/Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kasoo saaray war-saxaafadeed culus oo ku saabsan xaaladda magaalada Baydhaba iyo Doorashada K/Galbeed.

    Xildhibannada ayaa afduub ku tilmaamay xarigii Mukhtaar Roobow, iyadoo dalbaday in dib loo dhigo doorashada K/Galbeed, waxayna ugu baaqeen Madaxda dowladda inay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

    Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan:

    Ugu horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo sidoo kale shacabkii sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo dhigayaa banaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay cabiraan Ra’yiga iyo afkaarta si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq Dastuuri ah oo Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo Muwaadininiinta Soomaaliyeed.

    Waxaan si adag u cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo 13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA. Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka KGS ee xad gudubka loogeystayba u cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.

    Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia falka ay ku kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo lagu furey shacabka mudaaharaadayey si ay u caburiyaan.

    BAAQA XILDHIBAANADA:

    Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda:

    In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah.

    In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey.

    In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS.

    Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata.

    Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah.

    Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG.
    Wabilahi tawfiiq

    No automatic alt text available.

    Image may contain: text

    No automatic alt text available.

    Baydhaba Digil iyo Mirifle Doorashada K/Galbeed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka dhacay Munaasabadii Khudbad jeedinta Musharaxa C/casiis Lafta-gareen..? [Akhriso]
    Next Article C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Farriin culus & Digniin u diray Dowladda Somalia [Daawo- Shirka Jaraa’id]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo