Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Xildhibaannada Fiqi & C/saabir oo sharaxaad ka bixiyey sababta ay ugu biireen Golaha Wasiirada Galmudug

    Xildhibaannada Fiqi & C/saabir oo sharaxaad ka bixiyey sababta ay ugu biireen Golaha Wasiirada Galmudug

    April 25, 2020Updated:April 25, 20204 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Laba ka mida xildhibaannadii sida weyn uga horjeeday madaxda dowladda Soomaaliya ee ugu caansanaa mucaaradka ayaa ku biiray golaha Wasiirada Galmudug ee uu soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

    Arrintan ayaa dad badan la yaab ku noqotay marka la eego mowqifkooda doorashadii Qoorqoor iyo labada dhinac ee ay kasoo kala jeedeen madaxweynaha magacaabay iyo xildhibaannadan ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka.

    Axmed Macalin Fiqi iyo C/Saabir Shuuriye waxay soo saareen qoraallo ay dadka ugu faahfaahinayaan sababta keenaay inay xilalkoodii heer qaran uga tagaan maamul goboleedka Puntland, iyadoo weli aanay dadku qaarkood ku qancin sharaxaadda ay bixiyeen ayaa haddana halkan idinku soo gudbineynaa sababaha ay u cuskadeen inay u xuub siibtaan heer maamul Goboleed.

    XILDHIBAAN HORE AXMED MACALIN FIQI

    “Waxaan bilihii la soo dhaafay ku sugneyn aniga iyo saaxiibaday qaar ka mid ah Galmudug, waxaan socdaal ku tagnay deegaanno badan, waxaan qeyb ka noqonnay hawlo dibuheshiisiin siyaasadeed oo halkaas ka dhacay, annagoo fadhiyo taxane ahaa la qaadannay hogaamiyaha Galmudug Md. Axmed Qoorqoor oo aan casuumaadiisa ku tagnay caasimadda Galmudug, waxaa inoo soo baxdey in siyaasiyiinta iyo maalqabeenka ka soo jeeda Galmudug ay ka gaabiyeen xaqqii uu ku lahaa deegaankaas, ayadoo ay ka soo hijroodeen dadkii aqoonta lahaa iyo kuwii maalka heystay (Ganacsatadii), uuna noqday deegaan xasilooni-darro maamul la deris noqday, horumar la dareemi karaana uusan ka jirin.
    Madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Qoorqoor waxaa nooga muuqday tilmaamo hoggaamineed oo ku yaraa maamuladii dalka ama deeganadaas soo maray, oo ay ugu weyn tahay inuu raadinayo maamul talo-wadaag ku dhisan, dadkiisana ka dhexeeya. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan Galmudug la dhisno halkaasna ay saldhig noo noqoto. Annagoo ugu danbayn go’aansannay wadatashi dheer ka dib in aan aqbalno codsigaas, isuguna gayno awoodayada, waaya-aragnimadayada iyo aqoon waxaan leenahayna in aan dul dhigno Galmudug, kana mid noqdo adeegayaasha u horseedi doona bulshada ku nool halkaas horumar waara iyo nabad buuxda, midnimada dalka iyo soo celinta heybaddii dawladnimo ee Soomaaliyana udub dhexaad u noqda sidii lagu yaqiiney..
    Waxaa la isweydiin karaa mawaaqiftiisii adkayd iyo tiimkiisii siyaasadda, ma jiraan wax iska kay bedelay ee kaliya waxa igu soo kordhay xil kale, carro-gedisasho cusub iyo aaggii aan ka hawlgali jiray oo isbedelay. mabaadi’da iyo qiyamka qof aaminsan yahayna ma ahan wax guurguura ama isku bedel-bedela isbedelka cimilada, deegaanka iyo xilka.
    Reer Galmudug nooc kasta oo ay leeyihiin, meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay “Lama huraan waa halkii laga yimid iyo Galmudug, dhankaygana way ka bilaabatay” ma jiro horumar ka imaanaya meel cidlo ah, deegaan walbaana qiimihiisu wuxuu le’eg yahay inta ay le’eg yihiin dadka waxgalka ah ee ka shaqaynaya horumarkiisa.
    إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ
    Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi
    Muqdisho, 25 Abriil 2020

    XILDHIBAAN C/SAABIR SHUURIYE

    “Tan iyo markii la aasaasay Galmudug sannadkii 2015 markaas oo aan ahaa korjooge arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo kadib markii aan noqday Xildhibaan qaran oo dowlad goboleedka Galmudug ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhowr jeer oo aan u soo noqnoqday degaanada Galmudug aniga oo ka shaqeynayay ujeedooyin dan guud iyo arrimo bani’aadannimo, mar kasta oo aan tago meel ka mid ah deegaanada Galmudug waxaan la soo laabanayay dhakafaar iyo amakaag aniga oo rumaysan la’aa nolosha adag ee ka jirta deegaanada Galmudug. Waxaanan mar walba isweydiinayay: Yaa u maqan dadkaan iyo deegaanadaan ay labeentiisii isku herdinayaan siyaasada heer Federaal ee Soomaaliya.Jawaabta ii soo baxaysay waxa ay ahayd in ay lagama maarmaan tahay in Galmudug ay baahi weyn u qabto labeenteeda rag iyo dumarba in ay dib ugu soo laabtaan si loo samata bixiyo dadka reer Galmudug. Ileen talo rag kama dhammaatee waxa ay talo ka maarmi weyday in madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye “Qoorqoor” uu inoo soo bandhigo hindise aniga iyo saaxiibkey Axmad Macalin Fiqi iyo intii kale ee dib nooga soo biiri kartaba in aan ka qayb noqono dadaalka laba-kacleynta Galmudug taas oo ah in aan Federaalka uga soo xuubsiibano dowlad goboleedka Galmudug.Kaddib markii aan dib u fekernay oo aan la tashiyo baaxad weyn la sameynay dadkii reer Galmudug qaybahooda kala duwan, waxaa innaga iyo iyaguba wada guddoonsanay in aan u soo gacan bannaano arimaha Galmudug isla markaasna aan lixaadkeena isugu geyno horumarka dadka iyo deegaanka Galmudug oo aan aaminsanahay inaan ka miro dhalin karno hamiga dadka reer Galmudug inshaa’allah.Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa in uu nagu guuleeyo hawsha cusub hadana culus ee dadka iyo deegaanada Galmudug aan u qaadnay. Waxaan sidoo kale u baahanahay ducadiina, taageeradiina iyo in aad nagala qaybqaadataan hawsha culus ee na loo dhiibay.Wadajir iyo Iskaashi ayaan ku wada guuleysan karnaa inshaa’allah.Abdisabir Shurie”

    Qoorqoor Top Xildhibaan C/saabir Nuur Shuuriye Xildhibaan Fiqi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHay’adda Hormuud Foundation $2 Million Dollar ugu deeqday afurinta Dadka tabaaleysan & la- dagaalanka Covid-19
    Next Article Bandowgii Muqdisho oo wax laga bedelay & Taliye Saldhig Boolis oo xilkii laga qaaday..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo