Waxaa maalintii labaad socda khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xarunta Afisyoone ay ka maqan yihiin inta badan xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa shalay ugu baaqay xildhibaannada inay soo xaadiraan kulamada dhageysiga khudbadaha Madaxweynaha, isagoo xusuusiyey inuu kulanka ka mid yahay kulamada Baarlamaanka ee ay mushaarka ku qaataan.
Mar kale maamnta waxaa Xarunta Afisyoone xaadiray xildhibaanno aan ka badneyd 30 ilaa 50 xildhibaan iyo musharixiinta khudbadaha jeedinaya, taasoo ka timid in xildhibannada aanay wax muhiimad ah siinin khudbadaha musharixiinta.
Buugaagta qorsheyaasha musharixiinta oo 400 oo nuqul laga dalbaday musharixiinta si loogu qeybiyo xildhibaannada labada Aqal ayaa la waayey tiro badan oo lo qeybiyo.
Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee 11-aad ayaa muujiyey daneyn la’aanta khudbadaha Musharixiinta, taasoo ay sabab u tahay in xildhibaannada ay horeba u go’aansadeen cidda ay u codeyn doonaan.
