Xildhibaannada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah la isugu yeeray, iyagoo isugu tegay xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa shirkan abaabulay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waxaana xildhibaannada u badan ee ka qeyb galaya ay yihiin kuwa ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu guddoomin doono C/weli Muudey, iyadoo looga hadli doono mooshinka uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo wajahayo.
Wararka qaar ayaa sheegay in xildhibaannada taageersan Madaxweynaha ay diyaarinayeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo xafiiska fadhiya bilo kooban, kasoo la doonayo in loo gudbiyo guddoomiye ku xigeenka koowaad.
Waxaa caawa isla Villa Hargeysa xarunta Guddoomiyaha baarlamaanka isugu tegay xildhibaannada keenay mooshinka Madaxweynaha, iyadoo uu caasimadda Muqdisho ka bilowday olole siyaasadeed xoog leh.