Xildhibaanno tiradoodu ka badan tahay 100 oo taageersan ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo dhowaanahan shirar is daba joog ah ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa digniin culus gaarsiiyay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo si toos ah dignoontooda ugu gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Osman Jawaari.
Xildhibaanadan ayaa digniintooda ku saabsan tahay inaan Baarlamaanka la keeni karin mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed, waxayna digniintooda ku saleeyeen laba arrimood oo kala ah:
[blockquote style=”1″]1. Inuu sharci darro yahay mooshinka, maadaama aanu ka imaan xildhibaannada ee laga soo abaabulay madaxtooyada. [/blockquote]
[blockquote style=”1″]2. Inuu mooshinku dhalin doono muran iyo xaa2. Inuu mooshinku dhalin doono muran iyo xaalad kacsan, lagana yaabo inuu gacan ka hadal ka dhaco Baarlamaanka dhexdiisalad kacsan, lagana yaabo inuu gacan ka hadal ka dhaco Baarlamaanka dhexdiisa[/blockquote]
Digniintaan ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan guddoonka Baarlamaanka oo xaalad adag ku jira, iyadoo laga war sugayo taageerayaasha madaxweynaha oo dhowaan mooshinka ay wadaan la filayo inay horkeenaan Baarlamaanka.
Wadani Info
Muqdisho
[ad name=”HTML”]