In ku dhow 100 xildhibaan ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa xildhibaannada wada mooshinka laga keenay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannadan waxaa hoggaaminayay oo codkooda ku hadlay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ah haweeneyda Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn u cambaareysay qaabka guddoomiye Jawaari ula dhaqmay mooshinka laga keenay, waxayna sharci darro ku tilmaantay in Mooshinka lagu furo meel ka baxsan Golaha looga doodayo ee Baarlamaanka.
Wasiir Khadiijo ayaa si shaqi ah u weerartay Jawaari iyadoo wax ka sheegtay aqoontiisa iyo shirkii jaraa’id ee uu xalay qabtay, waxayna ku adkeysatay inay mooshinka uu socon doono ilaa uu kalsoonida weynayo ama dib u soo laabanayo.
“Anigu waxaan ahay xubin ka tirsan, kana tirsan Golaha shacabka.. waxaa nasiib darro ah guddoomiyaha mooshinka ka yaalla laba jeer mooshin laga keenay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, maalintaas ma dhihin Qaranka ayaa dumaya…” ayay tiri Wasiir Khadiija oo ka mida hoggaamiyeyaasha Mooshinka Jawaari.
Waxay faahfaahin ka bixisay xaaladda mooshinka laga keenay DP World, waxayna inta badan hadalkeedu u badnaa mid shaqsi ah oo ay ku weerareyso Guddoomiye Jawaari, iyadoo ka mida xildhibananada 20-ka sano kuraasta ku fadhiyay ee aan marna dhicin.
“Mooshinka cid kama noqon karto marka la aqbalo, kaddib illaa laga geeyo Golaha shacabka, cida ka baxeysa dood ahaan iyo cod ahaan uga bixi kartaa, laakiin loogama baxo banaanka, 184 cod haduu mooshinkan gaari waayo Maxamed Sheekh Cusmaan wa Guddoomiyaha golaha shacabka, hadii uu gaaro 3/2 15 berri gudahood Golaha shacabka wuxuu soo doonayaa Guddoomiye cusub” ayay tiri Wasiir Khadiija.
Waxaa shirka ka hadlay oo kale xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Xildhibaan Sheekh Madoobe iyo xubno kale, kuwaasoo diiday hadalkii kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari.