Waxaa magaalada Baraawe maanta kusoo baxay xildhibanaadii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo magaaladaasi lagu doorto.
Xildhibaannada kusoo baxay Doorashada maanta ka dhacday Baraawe, waxay kala yihiin:
1- Saalim Aliyow Ibrow ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP165 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hore ugu fadhiyey, isagoo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Aadan Cusmaan Xasan uu ka helay 15-cod.
2- Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP161 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, isagoo helay codad gaaraya 80. Waxaana halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulaahi Xuseen Faarax uu helay 7 cod.
3- Maryan Maxamed Cali ayaa kusoo baxday kursiga HOP044 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo heshay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar ay ka heshay 10-cod.
4- Xuseen Cali Xaaji ayaa kusoo baxay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP016 Golaha Shacabka BFS, isagoo helay codad dhan 81. Musharixii la tartamay Ismaciil Xuseen Axmed ayaa isna helay 10-cod oo kaliya.
5- Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa kusoo baxay kursig HOP152 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, isagoo helay 83 cod, halka musharaxii la tartamay ee Ahmed Xasan Geedi uu ka helay 16 cod.
6- Farxiya Maxamed Cabdi ayaa kusoo baxday kursiga HOP153 ee xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo hlay codad dhan 88 Cod, halka musharaxii la tartamay ee Anisa Maxamed Xasan ay heshay 12 cod.
7- Cabdulaahi Xuseen Cali ayaa kusoo baxay kursiga Tirsigiisu yahay HOP151 Baarlamaanka Federaalka, iyadoo heshay 78 cod, halka musharaxii la tartamay ee Mahad Ali Ahmed uu ka helay 17-cod
