Xubno isugu jira xildhibaanadii la baxay Horusocod ee hore u kala tegay iyo xisbiyada Daljir, Wadajir iyo Kulan ayaa qoraal ay soo saareen ku cambaareeyy weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Qoraalka ayaa looga digay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inay ciidamada qalabka sida u adeegsadaan dilalka iyo argagixinta siyaasiyiinta, waxayna digniin kale ka soo saareen in hay’adaha Garsoorka iyo Culimada loo adeegsado arrimo siyaasadeed oo aargoosi ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA