Laba xildhibaan oo ka mid ahaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa laga saaray Baarlamaankaasi, kadib kulan degdeg ahaa oo Baarlamaankaasi ku yeeshay Kismaayo.
Labadan xildhibaan ayaa dhowaan ka hadlay maamul xumo ka jirta Jubba, iyagoo ku eedeeyay maamulka Axmed Madoobe inuusan waxba ka qaban oo weli waab jabhad wax ku maamulo.
Xildhibaanada laga saaray Baarlamaanka Jubba ayaa kala ah: Maxamed Cali Yuusuf iyo C/qaadir Ibraahim Cali, waxaana lagu eedeeyay inay jebiyeen dastuurka maamulkaasi u yaalla.
Xildhibaan C/qaadir Ibraahim ayaa ka horjeestay go’aanka xildhibaannimada looga saray, wuxuuna sheegay inaan xildhibaan xilka ka qaadi karin xildhibaan kale, isla markaana aanay jirin qodob ay jebiyeen.
Wuxuu intaas ku daray in maamulka Jubbaland uu noqday mid uu hal nin iska leeyahay, isla markaana aanu wax sharci ah iyo maamul ka jirin Kismaayo, ee kaliya jabhadna ay heysato rabitaankeedana la fuliyo.
Wadani.com