Shirar siyaasadeed ayaa hareeyay magaalada Muqdisho kadib markii xabsiga loo taxaabay siyaasiga C/shakuur C/raxmaan Warsame oo xalay gurigiisa lagu weeraray.
Odayaasha beesha H/Gidir iyo xildhibaannada kasoo jeeda beeshasi ayaa abaabulay shirar is daba jooga ah oo ka dhacaya Hoteelada Muqdisho, iyadoo aan weli wax go’aan ah laga soo saarin.
Xariga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa kiciyay fal celin beeleed iyadoo xildhibaannada Beesha uu kasoo jeedo ay xalay xilli danbe la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxay raadinayaan isbaheysi ay la galaan beelaha kale ee Hawiye si go’aankooda u noqdo mid culus.
Shirarka oo ka socda Hoteelada Diplomacit, Saxafi iyo kuwo kale ayaa lagu wadaa in qaab beeleed ay ula tacaalaan arrinta dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay ku maquuniso siyaasiyiinta beeshan oo u badan kuwa ka horjeeda dowladda.