Xildhibaano sheegay inay wadaan qorshe ay ku bedelayaan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaannadan oo warbaahinta kul hadlay Muqiddho ayaa sheegay inay u midoobeen sidii ay xilka uga tuuri lahayeen Shariif Xasan. Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mida Baarlamaanka K/Galbeed ayaa caddeeyay in la gaaray waqtigii K/galbeed laga badbaadin lahaa hogaanka fashilmay.
Magaalada Baydhaba ayaa la sheegay in16-ka Oktoobar uu ku furmi doono kulanka Baarlamaanka K/Galbeed Mooshin ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan, iyadoo xildhibananada ay dhowaan tegi doonaan Baydhabo.
DHAGEYSO