Xildhibnaannda Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ajendahooda ku darsaday Dood ku saabsan dilkii foosha xumaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay, kaasoo arrimo heybsooc ah dartood lagu gubay marxuum Axmed Mukhtaar (Axmed Dowlo).
Guddiga arrimaha bulshada Baarlamaanka ayaa Golaha ka hor jeediyay saameynta uu yeeshay heybsoocda iyo quursiga, wuxuuna soo jeediyey Guddiga in Cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey dilkaasi foosha xun.
Xillibaan Aamina Maxamed Cabdi Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Arimaha Bulshadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ka hor akhrisay qarbixin ku saabsanayd dhacdadiilagu dilay Marxuum Axmed Muqtaar Saalax.
Xilibaanka Ayaa Arintaasi Ku Tilmaamtay Wax aan la Aqbali Karin Oo U baahan in ay ka dhiidhiyaan haddiia ay yihiin Barlamaanka Golaha Shacabka soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa golaha u soo jeediyey inay sameeyaan sharci adag oo ku saabsan heybsoocda iyo jinsi faquuqa, isagoo ka codsaday in Hay’adaha Dembi baatista si cadaalad ah u baaraan dhacdii lagu dilay Axmed Dowlo oo aaney arrintu noqon sida baaritaanadii hore.

Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mida xildhibaanada Baaramaanka ayaa iska sheegay si gaara loo faquuqo dadka heyb sooc, iyadoo diinta ay walaaleysay umadda. “Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane..” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaan Cabdi Shire Cayaar-jecel ayaa Baarlamaanka ka sheegay inuu ka seexan waayey falkii lagu gubay marxuum Axmed Dowlo, arrintasina ay ahayd mid naxdin leh oo aan la aqbali karin