Qabanqaabadii ugu danbeysay ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo la filayo in la doorto senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u soo gelaya maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka sare ee maamulkiisa ay dhaceyso maalinta Axadda ee November 6, 2016.
Wuxuu intaas ku daray in la dhameystiray liisaskii iyo qeybintii kuraasta ayna doonayaan inay si degdeg ah u shaqo bilaabaan maadaama ay dib u dhac galeen oo doorashada labada aqal ay isa saaran tahay.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in weli muran ka taagan yahay beelaha dhexdooda, waxayna beeluhu go’aan ka gaari waayeen xubnaha la doonayo inay ku soo baxaan 8-da kursi ee Aqalka Sare ku leeyihiin maamulka Hirshabeelle.
Wadani.com