Guddiga doorashada Madaxweynaha ee maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay xilliga ay dhaceys doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.
Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu shaaciyay jadwalka doorashada iyo xilliga la qabanayo, waxaana lagu sheegay in 12-ka September 2017 ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo isagu weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.
AKHRISO QORAALKA