Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey xiliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka harsan xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubbaland.
Doorashada ayaa dhaceysa Khamiista, kadib markii uu Axmed Madoobe soo saaray Liiska 8 musharax oo u taagan Afarta kursi ee Aqalka Sare ee Jubbaland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Berri oo Arbaco ah 20-ka Oktoobar la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ee 21-ka Oktoobar 2021 ay dhici doonto Doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare ee Jubbaland.


