Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Xiriirka Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo soo hagaagaya iyo saameynta Soomaaliya

    Xiriirka Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo soo hagaagaya iyo saameynta Soomaaliya

    October 7, 2021Updated:October 7, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xiriirka dalalka Qatar iyo Imaaraadka ayaa kasoo reynya kadib muddo 4 sano ah oo halkii ugu xumeyd uu gaaray, waxaana dalka Imaaraadka tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka Qatar.

    Wasiirka Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta ee dalkaasi ka taliya Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, kulanka ayaa ka dhacay xarunta al-Bahr ee magaalada Abu Dhabi.

    Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xiriirka labada dal, iyo sida sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran. Booqashadan ayaa ka danbeysay kulan Magaalada Doha ku dhex maray Amiirka Qatar iyo La-taliyaha sare ee Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta.

    Dalalka Imaaraadka iyo Qatar ayaa xiriirkoodu gaaray heerkii ugu xumaa, kadib go’doomintii ay dalka Qatar ku sameeyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn, waxaana laba dal dhex maray dagaal warbaahineed iyo mid sharci oo gaaray Maxkamadaha caalamiga ah ee Dunida.

    Kadib markii uu soo hagaagay xiriirkii Sacuudiga iyo Qatar, waxaa hadda si cad u soo muuqda inay dalalka Qatar iyo Imaaraadka isu soo dhowaanayaan, iyadoo khilaafkoodii dheeraa uu meesha ka baxayo.

    Xayiraadda ay dowladda Qatar saareen waxaa qeyb ka ahaa in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka si loo go’doomiyo, looguna qasbno inay joojiso taageerada ay siiso ururka Akhwaanul Muslimiin ee dunida Carabta.

    Imaaraadka iyo Qatar ayaa ku dagaalamay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana ku guuleystay dowladda Qatar, kadib markii dowladda Soomaaliya ay is barbar tagtay dalka Qatar, waxaana sidaasi ku xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo weli aan horumar sameyn, waxaana rajo laga qabaa in arrintan ay saameyn fiican ku yeelato soo cleinta xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

    Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan.

    Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar.

    Imaaraadka Carabta Qatar Top UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Fiqi oo iska casilay xilkii Wasiirka Amniga Galmudug. “Qoorqoor wuxuu doortay dagaal..”
    Next Article XOG: Xaqiiqada Xaaladda adag ee soo wajahday Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiiro la filayo inay is-casilaan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo