Waxa sii xumaanaya xiriirka dowlad Goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo wax yar soo hagaagay markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.
Maamulka Puntland ayaa qaadacay shir ay dowladda Soomaaliya qabanqaabisay oo ku saabsan arrimaha Macdanta iyo Shidaalka Soomalaiya oo ka socda dalka Jabuuti, waxayna diideen inay qeyb ka noqdaan imtixaanka dowladda Federaalka ee dugsiyada sare.
Shirka batroolka oo Wasaaradda bartoolkaee Xukuumadda Soomaaliya ay qabanqaabisay ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasiirka wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Puntland inaysan cidna u meteleynin shirkaasi, isla markaana aysan cidna u wakiilan.
Dhinaca kale go’aankii kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ee ku saabsanaa in Puntland ay diiday ka mid noqoshada imtixaanka dowlada Federaalka ayaa si weyn u dhaliileen siyaasiyiinta maamulkaas, iyadoo la filayo in war jawaab ah uu maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland.
Arrimahan dhan ayaa soo baxaya iyadoo uu baaqday shirkii aakhirkii Maarso lagu ballamay inuu ka dhaco magaalada Garowe ee madaxweynaha Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada, sababo ka yimid dowladda federaalka, waxaan xilligan uu madaxweynaha Puntland ku sugan yahay Imaaraadka Carabta.
