Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay inuu taageersan yahay mooshinka hor yaalla Baarlamaanka Soomaaliya ee laga keenay dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubba, wuxuuna intaas ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’adda ugu sareysa ee sharci dejin dalka uu xaq u leeyahay inuu mooshin ka keeno kana doodo arrimahaas oo kale.
[ad name=”HTML”]
War uu markii ugu horeysay saxaafadda siiyay Shariif Xasan ayuu sidoo kale ku sheegay in maamulka Jubba ay ka baxeen heshiis ay labada dhinac wada saxiixdeen oo ku saabsanaa in beelaha Jubbooyinka wada degan si cadaalad ah wax loogu qeybiyo, wuxuuna intaas raaciyay inay xaq tahay cabasho laga keeno sida loo qeybiyay baarlamaanka Jubba.
Waa markii ugu horeysay ee Shariif Xasan si cad uga hadlo khilaafka ka dhex taagan labada maamul ee Jubba iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna hadalkani ka dambeeyay eedeyn kulul oo dhowaan ka soo yeertay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo Shariif Xasan ku sheegay inuu ku dhex jiro riyo maalmeed.
Xiriirka labada hogaamiye iyo labada maamul ayaa maraya heerkii ugu liitay, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo aanay jirin sharciyo lagu kala baxo oo xalinaya xurgufta soo kala dhex gasha maamulada cusub ee hadda uun dhismahooda lagu jiro.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]