Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe wejigiisa 2-aad uu furmayo maalinta Berri ah ee Axadda, iyadoo shirku gudaha geli doono qeybaha ugu muhiimsan shirkaasi oo muddo dheer socday.
Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen guddiga farsamada maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ayaa wasiirku ka shaaciyay arrintan, iyadoo kulanka ay  ka qeyb galeen Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, madaxda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, musharixiin,  odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey)  ayaa munaasabadda ka sheegtay ergooyin gaaraya 300 oo qof iyo odayaasha  soo xulay ay madasha fadhiyaan si  loogu sameeyo wacyigalin, iyadoo musharixiinta in la siiyo fursad ay ra’yigooda ku soo jeedin karaan.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa inuu maalinta Beri ah ka qeyb galo furista wejiba labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]