Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaliya Mahdi Maxamed Guleed Qadar ayaa maanta booqday xarunta Guddiga madax banan ee Doorashooyinka Qaranka.
Wuxuu sheegay inuu halkaasui u tegay inuu kasoo qaato xeerka axsaabta iyo sharuudaha Diiwaangelinta xisbiyada Siyaasada Dalka, si ay u waafajiyaan Dastuurka iyo sharciga Xisbiga cusub ee madaxda Dowladu ku dhawaaqi doonaan.
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inay ku jiraan inta badan Golaha xukuumadda iyo xildhibaano badan, waxaana la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo.