Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: 5 Qodob oo ay ka mideysan yihiin Musharixiinta Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Siciid Deni

    XOG: 5 Qodob oo ay ka mideysan yihiin Musharixiinta Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Siciid Deni

    January 20, 2022Updated:January 31, 20224 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo baxaya calaamado muujinaya in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ugu danbeyn ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib muddo sanad ka badan oo uu qarinayey.

    Siciid Deni ayaa madaxda Puntland la wadaagay toddobaadkan damaciisa ah inuu u tartamo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, qorshihiisa iyo rajada uu qabo, isagoo laga soo xigtay inuu heysto dhaqaale iyo taageero ku filan.

    Haddaba waxaan dib u eegeynaa arrimo dhowr ah oo ay isaga mid noqdeen labada musharax Madaxweyne ee Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Siciid C/llaahi Deni oo hal beel kasoo wada jeeda marka la eego 4.5, haddana iyagoo ah madaxweynayaal maamul Goboleed iyo mid federaal oo xil haya doonaya inay loo doorto Jagada Madaxweynaha Soomaaliya.


    1- RAJADA DOORASHADA

    Maxamed Farmaajo iyo Siciid Deni wuxuu mid kasta aaminsan yahay inuu heysto fursadda ugu wanaagsan iyo rajada ugu weyn ee uu ku noqon karo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya. Mid kasta wuxuu aaminsan yahay inuu kan kale halis ku yahay, ayna isugu soo hari doonaan wareega ugu danbeeya ee Doorashada.

    Farmaajo iyo Deni waxay dadka ugu dhow la wadaageen in Doorshadan 2022 ay kusoo baxayaan. Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in isaga iyo Deni haddii ay isku soo haraan ay Soomaalida kale isaga dooran doonto, halka Deni sidaas oo kale laga soo xigtay in Farmaajo ay dadku aad u naceen oo halkaas fursad weyn ka helayo marka ay tagto in labadooda la kala doorto.

    2- DAAHINTA DOORASHADA IYO SOO SAARASHO XILDHIBAANNO

    Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ku caan baxay inuu lug jiidayo doorashada, ka baxo heshiisysadii Doorashada, marna isku dayo muddo kororsi 2 sano ah. Wuxuu intaas dadaal ugu jiray inay dib u dhacdo Doorashada, ama uu xilka iska sii joogo ilaa markii danbe cadaadis ku yimid looga wareejiyey maamulkii Doorashada Bishii May 2021.

    Sidoo kale Siciid Deni inkastoo aanu si cad isu muujin wuxuu mar kasta ahaa kan ugu danbeeya ee fuliya heshiisyada doorashada ee lug jiida shirarka, si muddo xileedkiisa Puntland usoo dhowaado ama uu dhinacyo la tartami lahaa meesha uga saaro.

    Dhinaca kale Maxamed Farmaajo wuxuu kaloo ka shaqeeyay, welina si xowli ah ugu jiraa inuu soo saarto xildhibaanno isaga taargeersan, isagoo musharixiinta ka horjeeda u adeegsanaya awood iyo in laga hor istaago doorashada.

    Qorshahan waxaa sidiisa Farmaajo uga dhaxlay Siciid Deni oo ku howlan in dhammaan xildhibananda laga soo dooranayo Puntland uu isagu keensado, inta badanna uu helo xildhibaannada labada Gole ee kasoo baxya Jubbaland.

    3- TAAGEERADA DALALKA CARABTA

    Labadan Musharax waxaa kala taageeraya dalal Carbeed oo dhaqaale ku bixinaya Doorashadooda. Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa sanadkii 2017 taageertay dowladda Qatar, haddana waxay dhaqaale ku bixineysaa inuu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

    Siciid C/llaahi Deni wuxuu taageero buuxda ka heystaa dalka Imaaraadka Carabta, waana hoggaamiyaha Soomaalida ee ugu tegis badan Imaaraadka, taasoo uu marar badan Farmaajo uga dacwooday Beesha Caalamka. Deni wuxuu saaxiibadiis u caddeeyay inuusan ka welwelsaneyn dhaqaale.

    4- FASHIL HOGGAAMINEED

    Siciid Deni iyo Farmaajo waxay sumcad xumo iyo dhaawacyo siyaasadeed kasoo gaareen sida ay u maareeyeen hoggaanka xilalkii oo doortay ee madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

    Farmaajo wuxuu lugaha la galay Muddo kororsi keenay dagaal ka dhacay caasimada, kadibna waxaa laga wareejiyey doorshada ilaa markii dambe ay is qabteen Ra’iisal wasaarihii labaad ee uu magacaabay oo hadda u aqoonsan madaxweyne hore, waxayna Beesha caalamka u aragtay nin xukunka isku dhejinaya, caqabadna ku ah nabadda Soomaaliya.

    Siciid Deni inkastoo uu horumar ka sameeyay Puntland, waxaa sumcadiisii meesha ka saaray dagaalkii Boosaaso ka dhacay oo tusaale cad u noqday inuu fashil kusoo dhammaaday xukunkiisii Puntland, taasoo noqon doonta boogta ugu weyn ee aan ka harin damaciisa Madaxweynaha Soomaaliya.

    5- YAREYSIGA MUSHARIXIINTA KALE

    Labada Musharax ee Farmaajo iyo Siciid Deni waxay si isku mida hoos ugu eegayaan musharixiinta Golaha Midowga Musharixiinta ee u sharxan xilka madaxweynaha oo u badan hal beel, waxayna aamisan yihiin inaysan siyaasiyiintaasi oo ay ku jiraan madaxweynayaal iyo Ra’iisal wasaareyaal hore iyo wasiiro inaysan saameyn lahayn.

    Deni oo saaxiibo uu kusoo meelgaaray la ahaa Midowga Musharixiinta wuxuu u arkaa inuusan ku jirin musharax la tartami kara oo isaga ka saameyn badan, halka Farmaajo isna iska dhaadhiciyay inuusan jirin musharax halis gelin kara oo aan ka hayn Siciid Deni. (Halkan ka akhriso).

    Wadani.net

    Doorashada Farmaajo Siciid Deni Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Doortay Guddoomiye cusub (Waa kuma..?)
    Next Article Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa (Qormadii Fahad Yaasiin- Faallo mise Olole Doorasho-)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo