Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: 5 Qodob oo sababay inuu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulo sharcigii Doorashada ee uu watay (Akhriso)

    XOG: 5 Qodob oo sababay inuu Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulo sharcigii Doorashada ee uu watay (Akhriso)

    January 15, 2020Updated:January 16, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib u dhac weyn kala kulmay qorshe doorasho oo uu watay, kadib markii ay ka hor yimaadeen dhammaan saaxiibadiisa siyaasadeed iyo labada aqal ee Baarlamaanka.

    Qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo ku dhisanaa in Soomaaliya oo dhan hal degaab doorasho laga dhigo (Muqdisho), dadkuna ay si toos ah u doortaan Madaxweynaha dalka ayaa wajahay caqabado fara badan markii Golaha wasiirada uu is dhaafiyey, kadibna Baarlamaanka federaalka loo gudbiyey, waxaana guud ahaan dadaalladii Madaxweyne Farmaajo ay kusoo dhammaadeen fashil aanu qiran.

    Arrimaha ugu waaweyn ee Qorshihii Doorashada Madaxewyne Farmaajo fashiliyey waxaa ka mid ahaa:

    1- Iyadoo Dastuurka KMG ka hor imaanayo Dooracsho toos ah oo dadweyne, waxaana ku cad in Baarlamaanku dooranayo madaxweynaha, iyadoo aan la helin dastuur rasmi ah, howshii dib u eegista dastuurkana aysan suuragal ahayn inay soo dhammaato.

    2- Nidaamka hal degaan Doorasho oo Soomaaliya oo dhan laga dhigo oo aan macquul ahayn in lagu qanco, waxaana shaki weyn hareeyay dadkii ugu dhowaa madaxweynaha oo qorshahan u qaatay mid uu doonayo inuu isaga xilka kusoo laabto.

    3- Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka oo si toos ah uga hor yimid, iyagoo sameystay isbaheysi ay ku meel mariyaan qroshe Doorasho oo ka dhan ah kan uu watay Madaxweyne Farmaajo.

    4- Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey madaxdii maamul Goboleedyada dalka, guddoonkii labada aqal. Labada maamul Goboleed ee taageersan dowladda ayaa dhinacooda u caddeeyay madaxweynaha inaysan suuragal ka ahayn dalka nooca doorasho ee uu doonayo.

    5- Iyo Beesha caalamka oo lagu qancin waayey qaabka qorshaha doorasho ee madaxweyne Farmaajo watay, kaasoo Golaha Wasiirada Ansixiyeen, balse Baarlamaanku bedelay.

    Inkastoo dadaal badan uu geliyey Madaxweynaha sidii qorshahiisa u meel mari lahaa, ayna isku seegeen beesha caalamka, haddana wuxuu xaqiiqada soo taabtay markii inta badan xildhibannada Golaha shacabka ay diideen qorshahiisa, ayna meel mariyeen qorshihii Doorasho ee Guddi ay magacaabeen Guddoonka Baarlamaanka soo diyaariyey.

    Kulamo badan oo madaxweyne Farmaajo ay la yeesheen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo madaxda maamul Goboleedyada ee taageera ayaa lagu weydiiyey waxa uu ugu dhegan yahay Doorasho aan suuragal ahayn, waxayna jawaabtiisii noqotay “WAXAAN RABAA INAAN TAARIIKH KA TAGO”.

    Farmaajo Sharciga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXaaf oo xaalad adag kasoo wajahday Koonfurta Gaalkacyo (Duqa Gaalkacyo oo ku gacan seyray xil ka qaadistii &..)
    Next Article Ergeyga Q/Midoobay u magacawday Geeska Afrika oo Muqdisho ka dhoofay, isagoo aan la kulmin Madaxweyne Farmajo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo