Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji ayaa la sheegay inuu dhexda ka qabtay qorshe lagu doonayay in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.
Agaasimaha Madaxtooyada oo la sheegay inay qaraabo yihiin dhinaca hooyada ah yihiin Taliyaha Booliska, isaguna uu ka dambeeyay in xilkan loo magacaabo ayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qanciyay inuu ka baaqsado wax tallaabo ah oo laga qaado xilligan.
Qorshahan ayaa ka dambeeyay markii agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe uu dacwad ka gudbiyay Taliyaha Booliska C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) oo ku saabsan inuu ka gaabiyay la shaqeynta NISA, isla markaana waxba ka qaban waayay howlgallo lagu ballamay oo uu mas’uul ka ahaa.
Dhinaca kale waxaa Taliye Saacid ku soo baxday fadeexo ku saabsan inuu isku dayay is daba marin mushaarka ciidamada Booliska, taasoo keentay in laga wareejiyo maamulka arrimaha mushaarka ciidamada Booliska.
Taliye Saacid ayaa arrintan kadib la arkay isagoo dhaqdhaqaaq lasoo baxay oo howlo samafal bilaabay, isla markaana xoojiyay ka dhex muuqashada shirarka dowladda iyo xafladaha.
Wadani