Xog laga helay saraakiisha Amniga ee gacanta ku haya kiiska Qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegeysa in muddo sanad ka badan ay Alshabaab diyarinayeen si ay howlgal weyn u fuliso.
Baaritaanka socda ayaa lagu ogaaday in Basiira oo magaceeda rasmiga ah uu ahaa Maryan Cabdi Maxamed ay isku dayday inay ka qeyb gasho xafladihii xuska maalmaha xoriyadda ee ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir iyo Madaxtooyada, siiba xuskii ka dhacay xarunta Gobolka ee 26-ka June, laakiin uma suuragelin, iyadoo madaxda xuskaasi ka qeyb gashay uu ka mid ahaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa laga war helay in Basiira iyo gabadhii la shaqeyneysay ay fasax qaateen horraantii bishii June, ayna soo laabteen maalmo ka hor 26-ka June, kadib markii ay tageen Gobolka Sh/Hoose oo Alshabaab ay qeybo ka mida maamusho, lana rumeysan yahay in loogu talogalay qarxinta madaxdii ka qeyb galeysay munaasabadaha 26-ka Juun, iyadoo baaritaanka uu weli socdo, laakiin waxaa la rumeysan yahay in howlgalka ugu weyn uu ahaa inay isku miidaamiso madaxda ka qeyb galeysa munaasabadihii maalmaha xoriyadda.
