Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Somalia, kadib markii laga reebay doorashadii Madaxweynaha K/Galbeed ay shuruud ku xirtay lacag xaal marin oo uu diray Madaxweynaha Soomaliya.
Lacagtan ayaa isugu jirta bixinta Magta dadkii ciidamada dowaldda ku dileen magaalada Baydhaba kadib shaqaadadii ka dhalatay xarigii Mukhtaar Roobow, xaal marin, Baanta dadkii dhaawacmay iyo arrimo kale oo lagu sheegay Sabeen loo xirayo dadkii dhinbaatada gaartay.
Odayaasha Beesha oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha K/Galbee C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo xubno kale oo Baydhaba u jooga xalinta dhibaatadii ka dhalatay doorashadii K/Galbeed ayaa dalbaday inay marka hore la soo daayo Mukhtaar Roobow inta aan laga hadlin xalinta dhibatooyinkii dhacay.
AKHRISO: Madaxtooyada Somalia oo Dhaqaale lagu xaliyo Beesha Mukhtaar Robow u dirtay Magaalada Baydhaba
Qaar ka mida odayaasha Beesha ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka inay u adeegsatay ciidamada Itoobiyaanka, tallaabo aan weli la aragna ay ka dhacday Baydhaba, waxayna madaxweynaha Soomaaliya ku dhaliileen inuusan xitaa tacds u dirin dadkii lagu dilay Baydhaba, taas bedelkeedana u mahadceliyey Ciidamada Itoobiya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Madaxweyne C/casiid Lafta-gareen ayaa balanqaad u sameeyay odayaasha beeshan, iyagoo sheegay inay kala hadleen madaxda dowladda Soomaaliya, lana sii deyn doono.
XOG: Madaxtooyada Somalia oo Dhaqaale lagu xaliyo Beesha Mukhtaar Robow u dirtay Magaalada Baydhaba