Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay dacwadd ku socota ee taalla maxkamadda rafcaanka G/Banaadir, isagoo caddeeyay inuusan tegi doonin.
Arrintan ayaa ka danbeysay shir saxaafadeed uu xalay gurigiisa ku qabtay, wuxuuna maxkamadeyntiisa ku tilmaamay mid siyaasadeed oo ay wadaan madaxda dowladda Federaalka, halka uu diiday in qareen isaga metelaya uu dacwadaasi ka qeyb galo.
Arrintan oo dadka sharci yaqaannada ah ku tilmaameen mid ku soo laabaneysa siyaasiga oo aan awood u lahayn inuu war-saxaafadeed ku jebiyo dacwad ay maxkamada ugu yeertay ayaa dhinaca kale lagu wadaa inay maxkamadda rafcaanka fadhigii loo balansanaa ka yeelato kiiska C/raxmaan C/shakuur oo xeer ilaalintu ku dhegan tahay.
Maxkamadda Rafcaanka ayaa la filayaa haddii eedeysanaha ka xaadiri waayo fadhigeeda iyadoo hore qoraalkii maxkamadda ay u geeyeen taliska Booliska inay waqti kale u qabato oo toddobaad ama maalmo dhowr ah ay siiso si mar kale uu Maxkmadda u hortago.
Kiiskan ayaa u muuqda mid daba dheeraan doona iyadoo maxkamadda rafcaanka ee uu horyaallo aanay suuragal ahayn inay soo xirto inta ay xeer ilaalintu dacwadda hoggaamineyso.