Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»XOG: Cabdi Xaashi oo ka badbaaday 5 Qorshe oo Madaxweyne Farmaajo Cadaadis ku saaray

    XOG: Cabdi Xaashi oo ka badbaaday 5 Qorshe oo Madaxweyne Farmaajo Cadaadis ku saaray

    June 17, 2020Updated:June 20, 20203 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadaadiskii ugu weynaa saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda si looga heshiiyo Doorashada dalka.

    Culeysyada waaweyn ee la saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u badnaa kuwo uga yimid taageerayaaha Madaxweynaha, siiba xubno isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato ka tirsan beesha madaxweynaha kasoo jeeda si ay ugu qanciyaan inuu ka laabto baaqa uu soo saaray Guddiga Joogtada Aqalka Sare, kana shaqeeyo in arrimaha Doorashada aysan kaalinm ku yeelan maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

    Xogo kala duwan oo ay heshay Wadani.net ayaa iftiimineysa shan qorshe oo Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa u adeegsadeen Guddoomiyaha Aqalka Sare si ay cadaadis ugu saaraan, iyadoo markii lagu guuleysan waayey uu madaxeynaha qaatay tallaabo uu ku aqoonsaday Madaxweynenimada Axmed Madoobe.

    Shanta Qorshe ee Madaxtooyada u adeegsatay Guddoomiyaha Aqaka Sare ayaa kala ahaa:

    1- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad ayaa ka hor yimid go’aankii Guddiga Fulinta Aqalka Sare ee baaqii Aqalka Sare ee shir ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada si heshiis looga gaaro Doorshada dalka 2020/2021. [Akhriso]

    2- Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaara ugu yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare isagoo ka dalbaday inuu a laabto baaqii uu soo saaray iyo inay wada shaqeeyeen labada aqal si loo meel mariyo Qorshaha Doorashada ee Guddiga ay madaxda u tahay Xaliimo Yarey, kulanka oo lagu kala tegay (Halkan ka akhriso)

    3- Qorshaha saddexaad ee Gudoomiyaha Aqalka Sare cadaadiska lagu saaray ayaa ahaa abaabulka Mooshin ka dhan ah go’aankiisa, kaasoo uu abaabulay Senator Cabdiwaaxd Cilmi Goonjeex, kaasoo isna ay adkaatay in loo helo senatooro, balse qorshahaasi mid aan laga tanaasulin.

    4- Waxaa Cabdi Xaashi kulan la yeeshay Ganacsato iyo xubno ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay sidii uu madaxweynaha ula shaqeyn lahaa, iyagoo u soo maraya dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto in loo diray dad ay saaxiibo yihiin, taasoo iyaduna shaqeyn weyday.

    5- Waxaa la abaabulay xubno ka mida Aqalka Sare oo ka horjeeda Guddoomiye Cabdi Xaashi, iyadoo saxaafadda ay hor yimaadeen ilaa 7 senator, waaana weli aan la furin kulamadii Aqalka Sare kalfadhigiisa 7-aad oo laga cabsi qabo inay buuq ku furaan taageerayaasha Madaxweynaha.

    Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis weyn ka saarnaa Beesha Caalamka ayaa qaatay tallaabo keentay inuu madaxeyne KMG ah u aqoonsado Axmed Madooobe, isagoo ku baaqay kulan uu la yeesho madaxda maamul Goboleedyada si uu meesha uga saaro kaalinta Aqalka Sare, laakiin waxaan weli laga jawaabin su’aalo ku saabsan suuragalnimada qabsoomida kulankaasi.

    Aqalka sare Cabdi xaashi Doorashada 2020 Farmajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Milateriga oo howlgal ka fuliyey Degaan ka tirsan Ceelbuur & Alshabab oo ka warhelay..
    Next Article Xog hordhac ah oo laga helay shirka Jabuuti (Qodob muhiim ah oo qarka u saaran in lagu…)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo