Waxaa dib u dhac ku yimid Shirweynihii Beesha Mudullood ee mudadda dheer qabanbqaabadiisu socotay, kaasoo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay qabanqaabinayeen Duubabka Beesha ayaa qaatay muddo dheer, waxaana lagu casuumay dad ku dhow 1000 qof, laakiin xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay inay soo wajahay caqabad keentay in dib loo dhigo ilaa waqti aan la cayimin, markii dood ka dhalatay qaabka ergada shirka.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, Senator Muuse Suudi Yalaxow, iyo Boqor C/llaahi Geedi Shadoor ayaa Duubabka ka dalbaday in la baajiyo shirka inta laga saxayo tirada ergada shirka oo loo qeybsaday qabiil, balse qaar ka mida Garabyada Siyaasadda ay dood ka keeneen.
Wararka ayaa sheegaya inay shirka saameyn weyn ku yeesheen siyaasiyiin iyo xubno taageersan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo casuumaadii beelahooda inta ugu badan qaatay, waxaana casuumaad la’aan noqday siyaasiyiin iyo xubno kasoo jeeda dhinaca mucaaradka.
Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Muxyadiin Darbaweyne, Prof. Maxamed Xasan Doob iyo xubno kale ayaa la sheegay inay saluugeen qaabka shirka loo wado, iyagoo sheegay inay isku koobeen taagereeyaasha kasoo jeeda dhinaca dowladda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn u daneynayey shirka, wuxuuna kala hadlay Imaamka Beesha Imaam Maxamed Yuusuf, taasoo shirka ka dhigtay mid xasaasi ah oo ay ku loolamayaan siyaasiyiinta kala duwan.

Lama shaacin xilliga kale ee uu qabsoomi doono shirka oo isha lagu wada hayo, waxaana laga sugayaa Duubabka Beesha oo ay ugu horeeyaan Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamud Cali Ugaas.