Sarkaal u xirnaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay inuu ahaa madixii Amniyaadka Alshabaab ee G/Banaadir ayaa mar kaliya laga war helay 28-kii September 2019, iyado Booliska Kenya ayaa bartooda twitter-ka ku qoreen inuu dalkooda soo galay.
Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo magacyo badan leh loona yaqaan Ciise Tarabuun ayaa muddo kadib dowladda Somalia waxay soo saartay war ay ku sheegtay inuu dhammeystay xabsi 2 sano ah, isagoo ah muwaadin Soomaaliyeed, laakiin kiiska Ciise Tarabuun ayaa dhaliyey shaki badan oo ku saabsan sida ay shaqeeyaan hay’adaha Sirdoonka iyo garsoorka Somalia.
Ninkan ayaa lahaa saddex magac oo kala ah: Cabdiwaaxid, C/wahaab, Ciise iyo Cabdi ayaa muddo laba jeer ah ay qabteen hay’adaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu hore uga tirsnaa ururka Xisbul Islaam, kadibna uu ku biiray Alshabaab, qeybteeda jabhadaha, isagoo gacan-yare u ahaa Xasan Cali Dhoore oo ka mid ahaa taliyayasha jabhadaha Alshabaab.
8/3/ 2015 ayaa lagu qabtay ceelasha biyaaha isagoo markaasi laga soo qabtay degaanka Ceelasha biyaha iyadoo la raadinayo Xasan Cali Dhoore oo madax u ahaa jabhadaha, isagoo qabtay telefoonkii lagu raadinayey wuxuuna noqday Ciise Ciise Khaliif Cabdi.
Ciise Tarabuun waxaa xabsiga laga sii daayey 19 September 2016 -, iyadoo lagula heshiisyey inuu Alshabaab dhexdiisa uga soo warramo hay’adaha Amniga ee NISA, laakiin waxaa dhacday inuu heshiiskaasi uu jebiyey, isagoo diiday inuu la shaqeeyo sirdoonka Soomaaliya, taasoo keenay in mar kale howlgal lagu soo qabto July 2017.
19-ka June 2107 – Ciidmada dowladda ayaa ka qabtay suuqa Bakaaraha, iyadoo uu ku dhawaaqay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, waxaana muuqata xabsiga laga sii daayey 18 Maarso 2019 markii la sheegay inuu dhammeystay xarigii, waxaana damiintay sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga, iyadoo loo sameeyay Baasboor da’ yar, lagana dhoofiyay magaalada Muqdisho.