Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»XOG CULUS: Cumar C/rashiid oo diyaarinaya warqadii kala dirista xukuumadiisa

    XOG CULUS: Cumar C/rashiid oo diyaarinaya warqadii kala dirista xukuumadiisa

    January 16, 20152 Mins Read Xog cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa caawa maqribkii shir degdeg ah xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga guddoonka Baarlamaanka kula yeeshay Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan, Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad.

    Raiisul-Wasaare-Dr.-Cumar-C.rashiid

    Shirka oo uu dalbaday Ra’iisal wasaaraha ayaa ku saabsanaa fadhiga berito ee la filayay in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda cusub. Ra’iisal wasaaraha ayaa ka codsaday guddoonka Baarlamaanka inay siiyaan waqti dheeraad ah, taasoo ay u sheegeen inaysan suuragal ahayn.

    Dood dheer kadib wuxuu Ra’iisal wasaaraha u sheegay guddoonka Baarlamaanka inuu kala dirayo xukuumadiisa, kadibna bilaabayo la-tashiyo cusub oo uu xukuumad kale ku soo dhisayo una baahan yahay waqti in loogu daro maadaama ay dhamaaneyso waqtigii xukuumad dhisidda.

    Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka dalbaday Cumar C/rashiid inuu qoraal ahaan ugu keeno inuu kala diray xukuumadii uu dhowaan magacaabay, kana baahiyo warbaahinta, kadibna ay la wadaagi doonaan baarlmaanka, markaas kadib oo waqti cusub la siin doono si uu usoo dhiso xukuumad cusub.

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa goor dhoweyd iyadoo la filayo inuu la-tashi la sameeyo madaxweynaha iyo kooxdiisa kadibna uu go’aanka ugu danbeeya ka qaato arrintan. Wararkii ugu danbeeyay ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha kasoo gaaraya Wadani.com ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu hadda ku howlan yahay qoraalka warqadii uu kala diri lahaa xukuumadda magacaaban 5-ta maalmood.

    Tani waxay soo afjareysaa mucaaradnimo weyn oo xildhibaan ka badan 120 kala hor yimaadeen xukuumadda cusub, waxayna albaabada u fureysaa loolan iyo xusul duub cusub oo ku saabsan dhismaha xukuumad cusub oo la filayo inay ka sii adkaato sidii ay markii hore ahayd.

    Labada isbaheysi ee xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumada cusub iyo madaxweynaha ayaa si halhaleel ah ugu qulqulay Villa Hargeysa si ay goobjoog uga noqdaan geerida xukuumadii ay ololaha ku qaadeen, waxaana socda doodo ku saabsan sida loo dhisayo xukuumada cusub iyo shuruudo la doonayo in lagu xiro Cumar C/rashiid si aan mar kale xukuumada ka la dhisi doono loogu soo darin shaqsiyaad la diidan yahay qaarkood.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Golaha wasiirada oo la kala dirayo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo kala diraya xukuumadiisa & Shuruud lagu xiray
    Next Article DEGDEG: Cumar C/rashiid oo xukuumadii 5-ta maalmood jirtay si rasmi ah u kala diray

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo