Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»XOG CULUS: Liiska xildhibaanada u ololeynaya in la rido xukuumadda cusub iyo qorshaha mooshinka Prof. Jawaari

    XOG CULUS: Liiska xildhibaanada u ololeynaya in la rido xukuumadda cusub iyo qorshaha mooshinka Prof. Jawaari

    February 8, 20152 Mins Read Xog cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xubno u badan wasiiro hore oo dib ugu soo laaban waayay xukuumada cusub ayaa wada olole ay ku doonayaan in la rido xukuumadda magacaaban ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashii Cali Sharma’arke. Xubnahan waxaa u badan Kutlada Toosinta Talada Qaranka ee ay hogaankeeda ka mid yihiin C/llaahi Goodax Barre, Fowsiyo Xaaji Aden iyo Cabdiraxman Xoosh, laakiin waxaa kaloo ku jira qaar  yar ooka mida Kutlada kale ee Badbaado badan.

    mooshin

    Kooxdan waxaa hadda hormuud u ah Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xersi, waxayna shir ay habeen hore yeesheen go’aansadeen inay fashiliyaan xukuumadda cusub, kana shaqeeyaan si aysan kalsooni u helin. Xildhibaanada arrintan ololaha ugu jira waxay gaarayaan 45 xildhibaan, waxayna qaarkood soo jeediyeen in mooshin laga qoro guddoomiyaha Baarlamaanka si a suuragal u noqoto inuusanm guddoomin shirka Isniinta la filayo in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda.

    [ad name=”HTML-2″]

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ridwaan isaga haray kooxdani markii culeys weyn ay saareen xildhibaanada Beesha Dir oo uu hogaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Maxamed Cumar Carte, isagoo u balan qaaday inuu faraha kala bixi doono arrintan.

    Xubnaha hadda kooxdan ka midka ah ee ugu waaweyn waxaa ka mida:

    Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka

    C/llaahi Goodax Barre

    Khadiijo Maxamed Diiriye

    Ibraahim Isaaq Yarow

    Cabdirahman Xoosh Jibriil

    Fowsiya Haji Aden

    Waxaa socda ololeyaal iska horjeeda iyadoo kooxdani ay dhibaato ku noqoneyso sidii ay cod ku filan ugu heli lahaayeen mooshin ay ka keenaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ridista xukuumadda.

    Arrinta mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu mar waliba ahaa mid ay gacanta ku hayaan saaxiibada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo markii ay iska waayaan liiska wasiirada suuqa soo dhiga inuu jiro mooshin, markii xilal loo magacaabana la waayo. Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow ayaa leh fikrada mooshinka Jawaari, waxaana u cuntami la’ in saaxiibkiis Khaalid Cumar Cali la magacaabo isagiina laga tegay.

    Arrinta mooshinka ayaa ujeedkeedu yahay in Prof. Jawaari oo isagu keensaday xubnaha Digil & Mirile ee wasiirada cusub ah lagu khalkhal geliyo si aanu u guddoomin shirka, waxaana la ogyahay in Guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar uu arrimo caafimaad u aadayo dibadda. Sidaas  darteed ayay kooxdani is tuseen inay meeshaasi fursad uga banaan tahay.

     

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Kutlad Mooshin Prof. jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXubnaha Golaha wasiirada cusub oo olole cod raadis ah ka dhex bilaabay xildhibaanada Baarlamaanka
    Next Article Kutlada xildhibaanada Badbaado Qaran oo go’aan ka qaadaneysa xukuumadda cusub

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo