Waxaa cirka isku sii shareeraya cakirnaanta ka taagan magacaabidda xubnah Golaha wasiirada iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wacad ku maray in la soo celinayo xubno dhowr ah oo isagu wato balanqaadyo hore uu ku siiyay inay ka mid noqonayaan Golaha wasiirada cusub.
Xubnaha madaxweynuhu ku dhegan yahay in lagu soo daro Golaha wasiirada  waxaa ka mida:
1. Xuseen Cabdi Xalane
2. C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe
2. Maxamed Cabdi Maareeye
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa cadaadis kale ka heystaa beelaha ay ka soo jeedaan xubnaha uu wato madaxweynaha oo xildhibaanadooda ay diidan yihiin in wasiirada ay ku leeyihiin xukuumada loo magacaabo oo rabitaanka madaxweynaha lagu soo xulo.
Haddii madaxweynuhu ku adkeystay in xubnahan lagu daro golaha wasiirada waxaa la sugayaa go’aanka ugu danbeeya ee uu qaadan doono Ra’iisal wasaare CCC.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]