Thursday, May 15, 2025

XOG CULUS: Sii-haye wasiir oo madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaartay saxiixa heshiisyada dowladaha& Hay’adaha caalamiga ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sii-haya wasiirka Arrimaha dibadda xukuumaddii dhacday u wakiishay inuu saxiixo wixii heshiis ah ee ay dowladda Soomaaliya la galeyso hay’adaha iyo dowladaha kale kadib markii waqtiga ku dheeraaday in la helo xukuumad sharci ah oo awood u leh inay heshiisyo gasho.

C/raxmaan Ducaale Bayle oo ka mida wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweynaha ayaa qoraal gaar ah looga diyaariyay arrintaasi oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid u xil saarayo arrinta saxiixa heshiisyada, wuxuuna ku jira xukuumadii dib loola noqday ee ka horeysay 20-ka wasiir ee hadda magacaaban.

Saddex heshiis oo dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya wada saxiixdeen 25-kii Janaayo markii uu booqashada ku yimid Muqdisho madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa dhammaan heshiisyadaasi dhinaca Soomaaliya u saxiixay C/raxmaan Ducaale, iyadoo wasiiradii ku shaqada lahaa heshiisyadaasi sida wasiirka gaashaandhigga loo sheegay inuusan saxiixa ku jirin.

Ad

Heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la sheegay inay kaliya og tahay madaxtooyada Soomaaliya oo aanu xitaa waxba kala socon sii-haya saxiixay heshiisyadaasi, markii la saxiixay kadibna waxaa la wareegay gacan-yaraha madaxweynaha. Lamana oga inay mari doonaan wadadii ay mareen heshiisyadii hore oo xitaa baarlamaanka lagala baxsaday iyo inkale.

saxiix2

[ad name=”HTML-2″]

- Advertisement -

Sidoo kale sii-haya wasiirka arrimaha dibadda wuxuu shalay heshiis dib u dhis ah la saxiixday hay’ad hoos tagta Ururka Iskaashiga islaamka (IOC) oo lagu Real Estate Union in Islamic States “REUOS”. Heshiiskan ayaa la sheegay in dib loogu dhisayo safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka dibadda. Mas’uulkii ka socday Hay’adda iskaashiga islaamka ee heshiiskan saxiixay  Dr. Mohamed Yahya ayaa sheegay in mashruucan laba bilood kadib si rasmi ah u dhaqangeli doono , ayna ka bilaabi doonaan dib u dhiska hantida dowladda ee dalka Djibouti oo qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay 16 dhismo.

saxiix1

Heshiisyadan oo aan la hor keenin Baarlamaanka, isla markaana aan wax faahfaahin ah oo ka baxsan inta saxaafadda laga sheegay laga heynin ayaa waxaa la yaab leh inay qaarkood dhaqan gelayaan. Guddiyada Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay waajibaadkooda gutaan oo sharciga la marsiiyo heshiisyada dowladda la galeyso dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON