Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib socdaal laba maalmood ah oo uu ku tegay dalka Masar, iyadoo la filayay inuu booqashadiisa lugteeda labaad ku tago dalka Suudaan.
Wafdiga madaxweynaha ayaa soo maray garoonka Khartoum iyagoo aan gudaha u gelin dalka Suudaan si la mida sidii dhacday markii uu ku sii jeeday magaalada Qaahira, waxaana garoonka labadii jeerba ugu yimid xubnaha safaarada Soomaaliya ee Khartoum.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lafilayay inuu ka qeybgalo damaashaadka loo sameynayo sanadguuradii 59-aad ee xuska madax bannaanida dalka Suudaan oo ku beegan 1-da Janaayo ee maalinta beri ah, waxaana arrintaasi laga abaabulay magaalada Muqdisho iyadoo madaxtooyada Soomaaliya iyo safiirka Suudaan ee Muqdisho fadhiya ay qabanqaabiyeen ka qeybgalka madaxweynaha Soomaaliya ee xuska gobanimada Suudaan.
Warar ay heleyso Wadani.com ayaa sheegaya in dowladda Suudaan aysan jecleysan madaxweynaha Soomaaliya uu socdaalkiisa ka bilaabo Qaahira, isagoo casuumaadiisu aysan markii horeba ahayn rasmi ee dalab isaga ka yimid loogu daray liiska ka qeybgalayaasha munaasabadda. Waxaa sidoo kale loo aaneynayaa is afgaranwaaga ka dhacay booqashadii madaxweynaha ee Suudaan agaasim xumo heysata wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka careysiiyay Suudaan.
Arrintan lagu baajiyay socdaaalkii qorsheysnaa ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa Suudaan ayaa dharbaaxo kale ku ah wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo horeba ula daalaa dhaceysay fadeexado waaweyn oo hareeyay wasiirka hadda sii haya xilka. Suudaan oo ka mida dalalka ugu horeeya ee taageera Soomaaliya isla markaana bixiya lacagaha lagu taageero miisaaniyadda Soomaaliya, waxayna dhowaan siisay dowladda Soomaaliya lacag dhan 2 Milyan oo Doolar.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”
HTML”]