Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ay soo bandhigtay tirada odayaasha soo xulaya ergada shirka oo beelaha gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan loo qoondeeyay.
Shir ay xalay oo dhan lahaayeen saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ah wasiirada kasoo jeeda labada gobol ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku soo bandhigay tirada odayaasha beel kasta ay u qoondeysay ee soo xulaya ergada shirka waxaana beelaha loogu qeybiyay sida soo socota:
- Beesha Abgaal = 15 oday
- Xawaadle = 11 oday
- Gaaljecel = 6 oday
- Gugundhabe = 6 oday
HALKAN KA AKHRISO LIISKA OO DHAMEYSTIRAN
Beelaha qaarkood ayaa ka biyo diidan tirada la siiyay, inkastoo tirada odayaasha aanay wax saameyn ahayn ku lahayn awood qeybsiga maamulka cusub.
Beelaha yaryar ee lagu tiriyo beesha shanaad ayaa ka dhex muuqda in laga tix geliyay, taasoo beelaha qaarkood ay diidmo ka muujiyeen.
Wadani.com