Waxaa isa soo taraya faahfaahinta kiiska Saxafiga Sacuudiyaanka ah ee Jamal Kashoqgi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bishan Oktoabar.
Ilo dowladda Turkiga ka tirsan ayaa sheegaya in mas’uulka isku xiray howsha dilka saxafiga Jamal Kashoqgi uu yahay gacan-yare u dhow Dhaxal-sugaha Sacuudiga ninka lagu magacabo Maahir C/casiis Mudrib, kaasoo xeer ilaalinta Turkiga ay sheegtay inuu maalintaasi sameeyay 19 Call oo 4 ka mida uu ku wacay xafiiska Dhaxal-sugaha Sacuudiga.
Ninkan xiriiriyaha ka ahaa dilka saxafiga ayaa noqday ninka ugu horeeya ee xeer ilaalinta Turkiga ay shaaciso iyadoo hore saxaafadda Mareykanka ay shaacisay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga amarkiisa lagu fuliyey dilka Jamal Kashoqgi.
Ninkan ayaa hore u ahaa diblomaasi, haddana ah mid ka mida gacan-yareyaasha Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa u raacay safarradii uu ku tegay dalalka reer Yurub iyo Mareykanka, waxaana la filayaa in Turkigu soo saaro amar ninkaas lagu soo qabanayo si cadaaladda loo horgeeyo.
Ninka labaad ee saxaafadda ku jir ayaa ah dhaqtarka Dr.Salaax Al-Dubayqi oo hay’adaha amniga ee Sacuudiiga u qaabilsan arrimaha baarista caafimaadka iyo dembi baarista jirka dadka uu yahay qofka jarjaray ee sida xun u dilay saxafiga Jamal Khashoqgi.
Kiiska dilka saxafiga ayaa lugaha la galay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana sii xoogeysanaya ogaanshaha 7 ka mida koox ka kooban 15 qof oo Istanbuul u tegay dilka Saxafiga.
HOOS KA DAAWO MUUQAALLADA XIRIIRIYAHA DILKII JAMAL KASHOQGI EE MAAHIR C/CASIIS