WASIIRO MUHIIM AH OO XILKA WEYNAYA
Waxaa dib u soo cusboonaaday qorshe lagu doonayay in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya kadib markii qorshahan dib loogu dhisay mooshinkii laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna isku shaandheynta cusub ay saameyn doontaa in ku dhow kala bara xubnaha wasiirada ah ee hadda xilka haya.

XUBNAHA AY SAAMEYN DOONTO ISKU SHAANDHEYNT CUSUB WAXAA KAMIDA:
- Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte
- Wasiirka Arrimaha dibadda C/salaan Cumar Hadliye
- Wasiirka Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan
- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)
- Wasiirka Haweenka Sahra Maxamed Cali Samatar
- Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali
- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xersi
- Iyo xubno kale
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa arrintan kasoo shaqeeyay, waxaana weli la dhameystirin shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa wasiirada xilalka laga qaadayo ee miiska saaran, iyadoo mar waliba ay soo baxayaan wasiiro la bedelayo iyo kuwo booskooda la gelinayo.
Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay qaarkood soo galaan golaha wasiirada, halka qaar kale la filayo in xubno ay keensadeen loogu daro, sida uu ka soo shaqeeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rshiid.
Wadani.com