Qorshaha maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo heer gabagabo ah soo gaaray ayaa qarka u saaran inuu fashilmo kadib markii labada dhinac ee arrintan ku lugta leh ay laba magaalo u kala jabeen shirar iska horjeedana ay qabanqaabiyeen. Shirka koowaad ayaa ka socda Dhuusamareeb halka shirka labaad lagu wado inuu ka furmo Cadaado.
Shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka G/gaduud oo markii hore lagu sheegay inuu dib u heshiisiin yahay, ayna isku cafinayaan beelaha Goboladda dhexe ayaa laga cabsi qabaa inuu hore u socdo oo dowlad Goboleed lagu dhiso iyadoo shirka rasmi ah lagu waday inuu ka dhaco degmada Cadaado. Dowladda aya isku dayaysa in shirka Dhuusamareeb si degdeg ah loo soo gabagabeeyo, lana qabto waqti looga qeybgalo shirka Cadaado.
[ad name=”HTML-2″]
Xaaladda ayaa cakiran waxaana socda dadaallo lagu doonay in arrintaasi xal looga gaaro, balse waxay arrintu ka sii dartay markii xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay shirkii madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee Muqdisho lagu casuumi waayay hogaamiyaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ku hanjabay inay kalsoonida kala noqonayaan dowladda Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu Axadda Booqdo Dhuusamareeb si uu u fara geliyo si xal loogu helo shirka Dhuusamareeb, dibna loo qabto shirka weyn ee Cadaado. Waxaa la filayaa in madax ka tirsan dowladda ay dhowaan booqdaan Dhuusamareeb si arrintan degdeg wax looga qabto.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]