Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga  kadib markii uu magacawnaa in 24 saacadood isagoo sabab uga dhigay in beeshiisa aanay u cuntamin xilkaasi, isla markaasina aan lagala tashan. Isla mas’uulkan wuxuu jagada wasiir ku xigeenka uu hadda iska casilay ka soo qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga oo uu ka mid ahaa laba wasiir ku xigeen oo ay lahayd wasaaradaasi xukuumaddii Saacid.
Siyaasigan ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu waaweyn ee taabacsan madaxweyne Xasan Sheekh wuxuuna olole weyn u galay sidii loo ridi lahaa xukuumadii C/weli Sheekh Axmed, isagoo loo xil saaray mooshinka iyo raadinta xildhibaanada oo qandaraas weyn uu ku qabay. Xildhibaankan wuxuu si weyn ugu caan baxay ololaha ridista xukuumadaha isagoo ka dhex muuqday dhammaan mooshinadii lagu riday Ra’iisal wasaarayaashii Saacid iyo C/weli.
[ad name=”HTML-2″]
Ilo xog-ogaal ah ahaa Goobjooge.con u sheegay in C/raxmaan Dheere uu dalbday in xilkiisii uu  hore u hayay dib loogu magacaabo, kaasoo ahaa wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga balse ay arrintu u cuntami weysay markii wasiir ku xigeen labaad loo magacaabay isla wasaaradaasi, taasoo ka careysiisay isaga iyo beeshaba.
Tirada fara badan ee xukuumadda cusub oo 66 xubnood ka kooban marka laga reebo Ra’iisal wasaaraha ayaa noqoneysa mida ka mida xukuumadaha ugu tirada badnaa ee dalka soo maray.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]