Tuesday, May 13, 2025

Maxaa looga hadlay shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada magacaaban ay yeesheen caawa?

Golaha wasiirada cusub ee xalay lagu dhawaaqay ayaa shirkoodii ugu horeeya maqribnimadii caawa ku yeeshay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu ugu yeeray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayay xaadireen inta badan Golaha wasiirada magacaaban oo Muqdisho ku sugan.

golahawasiirada

[ad name=”HTML-2″]

Ad

Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlay wuxuu ahaa Sidii kalsooni loogu raadin lahaa xukuumadda iyo Waqtiga ay Baarlamaanka hortegayaan si codka kalsoonida loogu qaado.

Xukuumadda cusub ayaa la filayaa inay Baarlamaanka hor tagto Axadda ama Isniinta si codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo markan la filayo inay codkaasi hesho kadib markii xildhibaanno badan lagu soo daray xukuumada cusub oo u badan kutladii Badbaado Qaran iyo xildhibaanadii taageersanaa Madaxweynaha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xubnaha Golaha wasiirada cusub ka dalbaday inay bilaabaan howshii ololaha kalsooni raadinta kadibna ay shir kale isugu imaan doonaan markii ay hubsadaan inay heystaan codka kalsoonida kadibna ay hortegi doonaan Baarlamaanka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna caawa ka codsaday Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan Golaha wasiirada cusub, wuxuuna sheegay in howlo badan laga sugayo xukuumada si loo gaaro hiigsiga cusub ee 2016, isla markaana shaqooyinkii hakadka galay loo dardar geliyo.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON